Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in Roob xoog leh oo ka curtay degaanka Tukaraq uu hakiyey dagaalkii ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Roobkan ayaa bilowday iyadoo uu dagaalku socdo, wuxuuna ahaa roob xoog leh, waxaase laga cabi qabaa inuu mar kale dagaalku dib u bilowdo haddii roobku qaado. Ciidamada labada dhinac ayaa isu muuqda iyadoo saacado dagaalku socday, isla markaana la soo sheegay khasaare kala gaaray labada dhinac.
Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyadoo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu magaalada Hargeysa ka sheegay inay jebiyeen, hubna ka furteen ciidamada dowladda Soomaaliya sida uu yiri.
Muuse Biixi ayaa heegay in ciidamada Puntland ay ciidamada Somaliland soo weerareen saddexdii bilood ee ugu danbeeyay ilaa 23 jeer, dagaalka saakana uu ahaa mid laga fursan waayey in Somaliland ay ka jawaabto, isagoo shegay in ciidamada Puntland ay u dhigi doonan casharkii ay Somaliland u dhigtey dawladii Maxamed Siyaad Bare.