Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaara la yeeshay Hay’adaha Amniga dowladda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirada Amniga iyo gaashaandhigga, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Milateriga oo uu wehliyo guddoomiyaha Gobolka Banadir, waxana looga hadlay amniga caasimadda.
Dhinaca kale Maxamed Rooble ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la yeesho madaxda maamul Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo xubno ka tirsan midowga Musharixiinta.
Shirkan oo xasaasi ah ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda dalka iyo Doorashada dib loogu laabanayo ee ku dhisan heshiiskii 17-ka September oo ay isla qaateen Rooble, Qoorqoor iyo Guudlaawe.
Musharixiinta ayaa ku riixaya Rooble inuu qaato kaalintiisa oo la wareego maamulka hay’adaha Amnifa iyo Arrimaha Doorashada, laakiin waxaa shaki weyn ka jiraa inuu taasi awoodi karo xilli uu Maxamed Farmaajo diyaar u ahayn inuu awoodahaasi ka tanaasulo.


