Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey inuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kaalin ku lahaa heshiiska ay la gaareen Midowga Musharixiinta.
Khudbadii uu ka jeediyey gabagabadii kulankii maanta ka dhacay Hotel Decale ayuu ka yiri: “Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo oo runtii igu garab istaagay, iina soo jeediyey howshaan baaxadda leh ee culus inaan guto sida ugu wanaagsan..”.
Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inx al ka gaarnay waxyaabihii ka dhashay dhacdadii 19-kii Febraayo 2021 ee la xiriiray dibadbaxyada, amniga iyo doorashooyinka, isagoo uga mahadceliyay Midowga Murashaxiintu dabacsanaanta ay muujiyeen.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay intii uu shirkii socday inuu xiriiro toos la sameynayay Farmaajo si arrimaha la isku hayo uu ugala tashado.




