Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u jawaabay Midowga Musharixiinta, isagoo shaaciyey inay Soomaaliya galeyso Doorasho.
“Waxaan ku soo laabtay Caasimadda Muqdisho kadib markii aan Djibouti uga qeyb galay caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Soomaaliya waxay galeysaa doorasho, Waxaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha.
Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay shalay soo saareen shaki ka muujiyey dhexdhexaadnimada Rooble oo ay sheegeen inuu u nuglaaday cadaadisyo lagu hayo, isla markaana uu galay safarro aan muhiim ahayn oo waqti lumis ah.
– Midowga Musharixiinta oo shaki geliyey dhexdhexaadnimada Rooble
Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda shirka Guddiyada Farsamada xukuumadda iyo dowlad goboleedyada ee qabanqaabinaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado 20-ka bishan inuu ka furmo magaalada Muqdisho.
Guddiyo ka kala socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa shalay shirkooda ka furmay Hotel Decale, iyagoo diyaarinaya ajendayaasha shirka iyo khilaafaadka horyaalla arrimaha doorashada.
– Wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho


