Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay in inta badan gantaalihii lagu weerarray magaalooyinka Dimishiq iyo Ximis ee dalka Suuriya intooda badan lasoo riday, ayna ka hortageen difaacyada Suuriya.
Ruushka ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen Maraakii dagaal iyo diyaarado aan gelin hawada Suuriya oo duqeynta ka geystay hawada dalka Lubnaan, wuxuunta intaasi ku daray inaan labada saldhig ee Ruushka ku leeyahay Suuriya aan wax gantaallo ah agagaarkeeda lagu arkin.
Dhinaca kale hoggaanka ciidamada Suuriya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarka gardarro ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku qaadeen dhulka Suuriya ay ka hortageen, iyadoo inta badan lasoo riday gantaalihii ay lagu soo weeraray, qaarkoodka laga weeciyey jihadii ay ku socdeen.
Ciidamada Suuriya ayaa sheegay in Gantaal la weeciyey uu dhaawacay saddex qof, iyadoo aysan jirin qasaare kale.
112 Gantaal oo 30 ka mida ay yihiin sawaariiqda Tomahawk ayaa lagu weeraray dalka Suuriya weerar ay iska kaashadeen Mareykanka, France iyo Ingiriiska.