Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa maaata tegay xarunta hay’adda NISA ee Muqdisho.
War uu faafiyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyo wasiirka amniga gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda”
Waxaa xarunta NISA kusoo dhoweeyay Agaasimaha sii haya xilka hay’adad Yaasiin Farey oo uu xilka u magacaabay Farmaajo, qeybna ka ahaa khilaafkii laga heshiiyey ee Rooble iyo Farmaajo u dhaxeeyay muddo laba bilood ah.
Hay’adda NISA ayaa la rumeysan yahay inuu si rasmi ah u maamulo agaasimihii hore Fahad Yaasiin oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga ee Farmaajo.
