Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirkiisa Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qaaday tallaabo ay doonayaan inay ku furaan kiiska Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo hay’adda NISA u xiran.
Qoraal uu Wasiirka Amniga u diray Agaasimaha KMG ah ee NISA ayuu ku sheegay ku amray inuu muddo 48 saacadood ah warbixin uga keeno xaaladda iyo xariga Mukhtaar Roobow.
Kiiska Xariga Mukhtaar Roobow oo magaalada Baydhaba laga soo qafaashay Disembar 2018 ayaa ka mid ahaa qorshe madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayay inuu doorashada K/Galbeed kusoo baxo C/casiis lafta-gareen.
Arrintan ayaa qeyb ka ah loolanka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, iyadoo furistan kiiskan ay soo dedejisay go’aanka Madaxweynaha K/Galbeed uu kula saftay Farmaajo, isagoo qaadacay kulanka uu Muqdisho ugu yeeray Ra’iisal wasaare Rooble.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA AMNIGA
