Friday, April 19, 2024

Guddoomiyihii Dib u Doorashada Axmed Madoobe iyo Wasiirkiisii Maaliyadda oo noqday Xildhibaanno

Iyadoo ay doorashadii ugu horeysay ee xildhibaannada Golaha shacabka maanta ka socota magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo baxay xubno aad ugu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kursiga koowaad ee tirsigiisu ahaa HOP203: waxaa ku tartamay Xamse Cabdi Barre oo ahaa guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Jubbaland ee ka shaqeeyay dib u doorashada Axmed Madoobe Ogost 2018, waxaana tartanka kula jiray Axmed Maxamed Maxamuud.

Natiijadii ayaa noqotay inuu Xamse Cabdi Barre kusoo baxo 69 Cod, halka Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, Waxaana halaabay 15 cod.

Ad

Kursiga HOP082 waxaa u taagnaa Musharax Cabdirashiid Jire Qalinle oo ahaa wasiirkii Maaliyadda maamulka Jubbaland, iyadoo uu la tartamay Siyaad Aadan Iidle.

Wasiir C/rashiid Jire ayaa helay 75 cod, halka Siyaad Aadan uu ka helay 20 cod, waxaana xumaay 5 cod, iyadoo uu sidaasi kusoo baxay C/rashiid Jire Qalinle.

Dhinaca kale Kursiga HOP217 waxaa ku tgartamay xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo hore ugu fadhiyey Kursiga iyo Musharax Faarax Muxumed.

- Advertisement -

Waxaa kusoo baxay kursiga HOP217 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cabdi (Xasan Firimbni oo helay 71 cod, halka Maxamed Faarax Muxumed oo la tartamayey uu helay 20 cod.

Doorashada golaha shacabka ee ka socota dammaan maamul Goboleedyada ayaa isu bedeshay mid ay si buuxda gacanta ugu hayaan madaxda maamul Goboleedyada, ayna kaliya kusoo bixi karaan xubnaha ay wataan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON