Sunday, July 13, 2025

RW Rooble iyo Xoghayeyaasha Labada Aqal oo isla qaatay xilliga Dhaarinta xildhibaannada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XilgaarsiintaMaxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray xoghayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka dhex maray Rooble Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa looga hadlay diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Sida lagu sheegay war uu soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON