Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Amniga Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ku wareejiyey ciidamada Midowga Afrike ee ATMIS.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in kadib carqalado amni oo la doonayo in lagu caarqaladeeyo dhammeystirka Doorasha inuu faray ciidamda ATMIS inay degdeg ula wareegaan Amniga Afisyoone.
“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.
Ra’iisla wasaaraha ayaa sheegay in si toos xafiiskiisa ula shaqeyn doonaan ATMIS: “Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaannada gelaya hoolka doorashda iyo teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa shalay sheegay in taliska booliiska ay ka hor istaageen inay teendhada ku dhaariyaan xidhibananada lagu soo doortay Ceelwaaq, eedayntaas oo uu beeniyey taliyaha booliiska.
