Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyay go’aankiisa xaaladda Doorashada dalka.
Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.
Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.
Wuxuu sheegay in dhinaciisa uu doonayo sixitaanka khaladaadka Doorashada iyo in waqti go’an lagu soo afjaro.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.
