Friday, April 19, 2024

RW Rooble oo Digniin kasoo saaray isku- day lagu beegsaday Guddoomiye Dhaban-Cad iyo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka.

Qoraal uu soo saaray goor dhoweyd ayuu ku sheegay in ficilladaas uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaau uga digayaa taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Nabadsugidda inay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

Ad

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, kuna bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada, isgoo ku dhiirrigeliyay inay waajibaadkooda gutaan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON