Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa soo farageliyey dilka askri ka tirsanaa ciidamada dowladda ee la baxday Badbaado Qaran oo si fool xun loogu dilay magaalada Muqdisho, kadibna meydkiisa la tuuray meel qashin qub ah.
Dilka askariga Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe (Deeqoow) ayaa xaalad adag kad hliyey caasimada, waxayna eheladiisa sheegeen inay tallaabo qaadi doonaan haddii aan ciddii ka danbeysay dilkiisa sharciga la hor keenin.
Gdudi ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Amni oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray baarista dilka askarigan ayaa maanta la kulmay ehellada Maxamed Deeqow, waxaana wadahadal dhex maray Guddiga.
Xubnaha Guddiga waxaa ka mida wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir G/Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.
Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis oo kulanka ka qeyb galay ayaa dalbaday in cadaalada la horkeeno dadkii sida arxanka daran u dilay wiilkooda, isagoo xiran Tuutihii ciidamada Qaranka.
Kiiskan ayaa lagu eedeeyay kooxo ka tirsan ciidamada dowlada, waxaana xaaladiisa ay gaartay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo markii danbe soo farageliyey si xaaladda loo qaboojiyo.
