Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay kulanka maanta Gollaha Wadatashiga Qaran la yeesheen iyo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane ayaa sheegay kiiska Ikraan Tahliil uu noqday arrin Qaran, isla markaana aan la siyaasadeyn ee loo arko xuquuq muwaadin.
Wuxuu kaloo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo cadeeyay inuu doonayo in arrintaasi lagu dhammeeyo wadahadal.
“Waxaan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh” ayaa yiri Rooble.
Wuxuu kaloo sheegay inuu ku howlanaa inuu la tashiyo la sameeyo dhammaan dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.
“Kiis Ikraan Tahliil Faarax ee aad maqasheen wuxuu noqday arrin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.
Rooble wuxuu sheegay in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay dDoorashooyinka dadka Soomaaliyeedna uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diiarad saaridda doorashooyinka.
“Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado”.
