Sunday, July 6, 2025

RW Rooble oo magacaabay Guddi soo qiimeeya magaalada Garbahaarey (Akhriso Magacyada)

Ra’iisal wasaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaaby Guddiga qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada 2aad ee Jubaland, magaalada Garbahaarey.

wareegtada Rooble ayaa u qorneyd sida soo socota:

Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Markuu arkay: Qodobka 99aad iyo 100 aad ee Dastuurka KMG ee JFS Markuu arkay: Heshiisyadii doorashada Golaha wadatashiga Qaranka ee 17 Sebteember 2020, 27 Maajo 2021 iyo go’aankii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 24 Febraayo 2022

Markuu tixgeliyay: Baahida loo qabo in doorashada lagu soo dhammeystiro ugu dambeyn 15 Maarso 2022. Waxa uu magacaabay

1) Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada 2aad ee Jubaland oo ka kooban xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIEIT), Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Maamulka Doorashooyinka Jubaland ee (SIEIT) iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha Guddiga waxa ay kala yihiin:

i) Avv. Cumar Maxamed Cabdulle Guddoomiye

ii) Muuse Geelle Yuusuf Guddoomiye ku xigeen

iii) Maxamed Cawil Warsame Guddoomiye ku Xigeen

iv) Maxamed Daahir Faarah Xoghayaha Guddiga

v) Maxamed Aadan Cismaan Xubin

vi) Ibraahim Aadan Ibraahim. Xubin

vii) Ahmed Ruke Yuusuf. Xubin

2) Waajibaadka guddigan waa:

a) Soo qiimeynta jawiga amniga doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee degaan doorasha 2aad Jubaland ee Garbahaareey

b) Soo qiimeynta adeegyada looga baahanyahay qabashada Doorashada Golaha Shacabka ee Garbahaarreey

c) Soo uurinta aragtiyaha daneeyayaasha doorashada ee deegaan doorashada 2aad ee Jubalaanad

4. Guddiga waa in ay warbixintooda u soo gudbiyaan. Ra’iisul Wasaaraha muddo 7 maalmood ah.

Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON