Waxaa qeybo ka mida magaalada Muqdisho laga qaaday ciidamadii la baxay Badbaado qaran ee qabsaday qeybo ka mida Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta oo ay wehliyaan wasiiro, xildhibaano iyo xubnha Mucaaradka ayaa galabta booqday goobaha ay fadhiyeen ciiamdaaasi ee degmooyinka Holwadaag iyo Hodan.
Waxaa goobahaasi ka socotay nadiifinta dhufeysyadii ay qoteen ciidamada iyadoo laga qaaday ciidamadii badbaado qaran, kadib heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta heshiiskii shalay lagu gaaray Muqdisho, oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah.
Rooble ayaa tagay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska dabka iyo Isgoyska Mirinaayo si uu indhihiisa ugu soo arko howsha ciidanka iyo carrada looga qaadayo goobahaas muhiimka ah.
Waxaa la socday taliyaha Booliska iyo qaar ka mid ah xubnaha guddigii loo xil saaray xal ka gaarista shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka.







