Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo ui wareejiyay Wasaarad kale.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.
Arrintan ayaa qeyb ka ah loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo salka ku haya khilaafka doorashada dalka.
