Wednesday, June 25, 2025

Sacuudiga oo ku dhawaaqay inuu Cumrada u furayo Muslimiinta Dibadda iyo Shuruudo lagu xiray

Sacuudiga ayaa shaaciyey inuu si tartiib tartiib ah u furi doono dalkiisa, isla markaana qaban doono codsiyada Cumrada ee muslimiinta dalalka dibadda ka imaaneys, laga bilaabo berri, Isniin ah 9-ka Ogost 2021.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa qorshesyay in ilaa 60,000 ay Cumo u tagaan Sacuudiga, iyadoo loo qaybiyey 8 xilli oo kala duwan, si loo gaaro laba milyan oo qof u gutaan Cumarada bishiiba.

Wasiir ku-xigeenka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga Abdul-Fattah bin Suleiman Mashat, ayaa sheegay in dadka codsanaya inay gutaan Cumrada ay tahay inay soo gudbiyaan caddeyn muujineysa inay heleen tallaalka ka-hortagga “Covid-19” oo asaas u ah cumrada.

Dadka Sacuudiga ee doonaya inay cumreystaan ayaa sidoo kale laga rabaa inay qaateen tallaalka Covid-19 oo ah shardi ku xiran gudashada Cumrada, ku tukashada Masjidka Weyn ee Xaramka, iyo booqashada Masjidka Nebiga NNKH.

Dadka Cumrada uga imaanaya dibadda ayaa laga rabaa shahaadada tallaalka Covid-19 oo rasmi ah, ayna dowlad bixisayay, waana in nooca tallaalka uu qofku qaatay ay aqoonsan tahay Sacuudiga, kadib marka hubiyo saxnaanta macluumaadka iyo u hoggaansanaanta karaantiilka gelista Sacuudiga, siiba dadka socdaalka ee Boqortooyada uga imanaya waddamada xayiraadda saaran tahay.

Marka laga hadlayo daabulka xujayda gudaha, Wasiir ku -xigeenka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa sheegay in tirada rakaabka Basaska saaran aysan ka badnaan doonin kala bar (50%) awoodda Baska, iyadoo la ilaalinayo masaafo kala fogaansho ah, gudaha baska, waxaana la siinayaa rakaabka jeermis-dile.

Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii labaad Xajka iyo Cumrada ka xirtay dadka muslimiinta ah ee dibadda uga imaan jiray, taasoo ay ugu wacan tahay faafista Cudurka Covid-19; iyadoo xajkii dhowaan ay ka qeyb galeen 60-kun qof oo gudaha Sacuudiga ku nool.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON