Saddex dal oo carab ah ayaa looga adkeeyay ciyaarahoodii ugu horeeyay ee Koobka K/Cagta Adduunka oo ka socda dalkaa Russia.
Xulkii ugu danbeeyay e Maroco ayaa waxaa caawa 1-0 uga badiyey xulka dalka Iiraan, iyadoo labada kooxood ay isu dhigeen, inta badanna xulka Maroco uu awood badnaa, waxaase natiijadii noqoday guuldarro kale oo xulalka Carabta ku dhacday, iyadoo goolka au ahaa mid ay iska dhaliyeen xulka Maroco.
Dhinaca kale waxa galabta natiijo tan hore la mida oo 1-0 ah looga badiyay xulka Masar ee faraacinada, kadib markii xulka Urugay ay wada ciyaareen, waxaana xulka Masar ka maqnaa Laacibka weerarka ee caanka ah dalka Masar Mohamed Salah oo weli la sheegay inaan la hubin xaaladiisa.
Hore waxaa ciyaaraha loogu furay Xulka Sacuudiga Vs Russia oo ciyaaraha marti gelineysa, waxaana guuldarro weyn dhabarka loo saaray xulka Sacuudiga oo 5-0 lagu dharbaaxay, waxayna noqotay arrin si weyn loogu ceebeeyo xulka Sacuudiga oo lagu tilmaamay mid aan diyaar ahayn dhinac waliba.
Afarta xul ee Carabta uga qeyb galay koobka Aduunka ayaa waxaa ka harsan Xulka Tunisia oo 18-ka bishan la ciyaari doonta xulka Ingiriiska, waxaana muuqata in dhammaantood xaaladoodu sidi loo filayay ka liidato.