Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Laary André ayaa shaaciyey Hal qodob oo uu kala hadlay madaxweynaha xilkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Danjire André wuxuu xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inuu si iskaashi ah ula shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo dawladahooda federaalka iyo dawlad-goboleedyada si loo horumariyo ujeeddada aan wadaagno ee ah Soomaaliya dib u soo noolaynteeda si ay u noqoto waddan sugan, barwaaqo ah, oo dimoqraadi ah” ayaa lagu yiri war ay faafisay Safaarada Mareykanka.
Danjire André oo shalay warqadihiisa aqoonsiga gudah Xalane ku guddoonsiiyay Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayuu kala hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo in lasoo gabagabeeyo doorasho lagu kalsoonaan karo, daah-furan, oo loo dhan yahay.
Munaasabad ka dhacday gudaha Xarunta Xalane ayuu shalay Farmaajo waraaqihii aqoonsiga uga guddoomay safiirka cusub Mareykanka oo in muddo ah dib uga dhacay inuu xilka la wareego. (Halkan ka akhriso)
