Saturday, July 26, 2025

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya oo shaaciyey halkii ay ku socotay Lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho [Akhriso]

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa ka hadlay lacagta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee la sheegay inay u socotay safaaradda Imaaraadka.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Ahmed Osman Alhammadi ayaa sheegay in lacagta la qabtay aanay u socon safaaradda Imaaraadka, balse ay ahayd lacag ku socotay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayna ahayd mushaarka ciidamada Soomaalida.

Safiirka ayaa u sheegay VOA-da in dowladda Soomaaliya ay ogeyd, laguna wargeliyay imaanshaha lacagtaasi u socota ciidamada, iyadoo Imaaraadku ciidamo ku tababarro magaalada Muqdisho iyo boqolaal askari oo uu ku tababarro Puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada NISA ayaa su’aal ka keenay tirada lacagta iyadoo ku doodaya in mushaarka ciidamada aanu ka badneyn 1 Milyan oo doolar, balse lacagta ku dhow 10-la Milyan ay shaki abuurtay.

Waxaa la sheegay in Safiirka Imaaraadka uu ku sugnaa Garoonka Muqdsho, isagoo damcay inuu lacagtaasi kasoo qaado Garoonka, balse ay ka hor istaageen ciidamada Sirdoonka oo la wareegay, iyadoo baaritaan lagu hayo iminka, lana geeyay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

WARKAN OO INGRIRIIS AH HALKAN KA AKHRISO

Somalia Seizes Nearly $10M From UAE Plane in Mogadishu

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON