Sunday, July 13, 2025

Safiirka Ingiriiska: “Madaxda waa inay mar kale degdeg u kulmaan, lagana digtoonaado tallaabo…”

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa ku baaqay in Doorashada Soomaaliya la qabto xilliga ugu horeeya iyadoo saldhig looga dhigayo Heshiiskii Doorashada ee September 2020.

Safiirka oo fariintiisa raaciyay warkii maanta kasoo baxay Beesha Caalamka ayuu ku sheegay in xilligan jidka kaliya ee macquulka ah uu yahay inay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ay heshiiyaan si jore loogu socdo, loona yareeyo halista iyo xaaladda aan la saadaalin karin.

“Shirkii Dhuusamareeb 4 horumar ayaa lagu gaaray, wadar ogolna waa la gaari karaa.. Madaxda waa inay mar kale kulmaan si degdeg ah.. waana in dhammaan la iska ilaaliyaa in qolo gaara ay tallaabo qaado..” ayaa lagu yiri fariinta safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.

War-saxaafadeedka Beesha calaamka ee maanta ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg shir kale isugu yimaadaan si ay xal u gaaraan. Sidoo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa isna madaxda Soomaalida ugu baaqay inay kulmaan oo la yimaadaan heshiis doorasho lagu qabto.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka xukuumadda Federaalka ay noqotay xil-heyn, 27-kii Disembar ayaa sidoo kale waxaa dhammaaday muddo xileedkii labada Aqal ee Baarlamaanka Federeaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON