Safiirka dowladda Itoobiya u jooga magaalada Muqdisho Jalaaludiin Omar ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu si buuxda u taageeray howlgalka fulinta sharciga ee ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.
Qoraal kasoo baxay safiir Jamaaludiin ayuu ku sheegay inuu magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya Gedu Andargacho oo Muqdisho kula kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wadahadleen howlgalka xoojnta sharciga ee waqooyiga Itoobiya.
“Madaxweyne Farmaajo wuxuu garab istaagay oo uu si buuxda u taageeray howlgalka socda ee xoojinta sharciga..” ayuu yiri safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaludin Cumar.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan ka hadlin socdaalka ergeyga Ra’iisal wasaaraha Itoobiya u soo diray Madaxweyne Farmaajo, waxayna arrintan timid kadib markii xilka laga qaaday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo soo saaray qoraal uu ka muuqday baaq nabadeed oo loo diray Itoobiya.

