Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu xilka isaga tegayo haddii dowladda Mareykanka aysan ogolaan qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.
Sida ay Jariirada caanka Foreign Policy Maraykanku ayaaan diyaar u ahayn xilligan inuu Soomaaliya ka cafiyo Deynta uu ku leeyahay Soomaaliya oo gaareysa $1 Bilyan oo dollar; iyadoo Safiir Yamamoto iyo uu dowladda Somalia kala shaqeeyay inay fuliso shuruudaha Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF sidii looga cafin lahaa deynta aakhirka sanadka 2020-ka.
Safiirka Maraykanku ee Somalia ayaa taageersan dowladda Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto dib u habeynta dhaqaalaheeda, taasoo ka caawinaya dariiqa loo marayo cafinta deymaha; laakiin inuu Maraykanku deynta ka cafiyo Soomaaliya, ayaa ua baahan inuu ogolaado Koongareeska Mareykanka, iyadoo ay haddii ay taasi dhici weydo ay farriin khaldan u direyso dalalka kale ee deymaha ku leh Soomaaliya.
Safiirka Mareykanka ee Somaila Donald Yamamoto ayaa ah nin khibrad weyn u leh Afrika, kana soo shaqeeyay dalka Itoobiya ayaa si dhow barnaamijka deyn cafita ugala shaqeeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre , waxaana laga soo xigtay xubno ku dhow iyo wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka inuu banneynayo xilka haddii Mareykanka qaadi waayo tallaabada deynta looga cafinayo Somalia.