Sunday, July 13, 2025

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Digniin u diray Ahlu suna, kadib Qoraalkii kasoo baxay Sh. Max’d Shakir

Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xalay soo saaray qoraal kooban oo ku saabsan xaaladda Galmudug, iyadoo warkaasi jawaab u ahaa qoraal uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir oo ku saabsanaa inuu dagaal ka dhici karo magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka kooban ee safiirka Mareykanka iyo safaaradda ayaa lagu yiri: “Safiirka Donald Yamamoto iyo safaaradda waxay si dhow u daawanayaan howsha ka socota Galmudug.., Waxaan cid waliba ugu baaqeynaa inay ka fogaato hanjabaad iyo qalalaase, ayna sii wado inay ka qeyb ka ahaato wadahadalka nabadeed..”

Wararka ayaa sheegaya in qoraalka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu soo baxay kadib xiriir ay la sameeyeen Ahlu suna iyo qoraalka uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir ee loo diray wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo ku hanjabaya in aad suuragal u tahay dagaal ka qarxa Dhuusmareeb, kadib markii dowladda Federaalka iska dhega tirtay rabitaank Ahlusuna.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKH MAXAMED SHAAKIR

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON