MadaxweynahaPuntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti la socday oo tegay magaaladaasi.
Kulanka labada dhinac ee Madaxweynaha Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha,
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Amniga Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, iyadoo ay ahayd kulankii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara.
Wararka ayaa sheegay in kulanka looga wadahadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadamnimada, iyadoo laga dooday kaalmada uu Mareykanku siiyo Puntland.


