Safiirka Mareykana ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan degdeg Garoonka Muqidsho kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isla markii ay ka degeen Garoonka Muqdisho.
Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo dadaal ku bixiyey in shirka Muqdisho ee saddex geesoodka ah uu dhaco, kuna qanciyey Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inuu damaanad qaade ka yahay heshiis kasta oo dhex mara labada dhinac ee ku saabsan Doorashada 2020/2021.
Waxaa lagu wadaa in Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay safiirka la wadaagaan qoraal ku saabsan qodobadda ay diidan yihiin ee Heshiiskii Doorashada Dhuusmaareeb III ay ku saxiixeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed oo uu wehliyey Guddoomiyaha G/Banaadir, kadibna uu shir u furmo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulamada oo kala gaar ahaa ayaa xafiiska Axmed Madoobe war kasoo baxa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.
Donald Yamamoto ayaa isla garoonka Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed isla markii ay kasoo laabteen shirkii Dhuusmareeb 3, kaasoo ay ka dhalatay in shir kale la qabto si loo dhammeystiro Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb III.


