Sunday, July 13, 2025

Safiirka Masar ee Itoobiya oo ka hadlay wixii kasoo baxay kulamadii Midowga Afrika ee Muqdisho

Wafdiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU-PSC) ayaa soo gabagabeeyay booqasho saddex maalmood ahayd oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.

madaxa wafdiga ahna guddoomiyaha AU-PSC, Danjiraha Masar ee Itoobiya Dr. Maxamed Cumar Gad ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamadii ay Muqdisho kula yeeleen madaxda dowladda federaalka, Siyaasiyiinta iyo Ururrada Bulshada.

“Waxaan aaminsanahay inaan go’aan mideysan ka gaari doono mowqif guud iyo heshiis mustaqbalka AMISOM kadib 2021, haddii aan wadahadal iyo dood ka yeelano arrimaha howlgalka AMISOM” ayuu yiri safiirka Masar.

Wuxuu intaas ku daray in Midowga Afrika uu diyaar u yahay in taageerada dadka Soomaaliyeed sidii ay uga hortegi lahaayeen argagxiisada, dowladda Masar-na ay ahmiyad gaara ku bixisay in arrintan xal laga gaaro.

Wafdiga Midowga Afrika ayaa Muqdisho u yimid khilaaf ka dhashay Qorshe ay Midowga Afrika ku doonayeen in hwolgalka ciidamada AMISOM lagu bedelo ciidamo wadajir ah oo ka kooban UN-ka iyo Midowga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON