Monday, June 23, 2025

Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dilay Werar Alshabaab ku qaaday Mandhera iyo faahfaahin laga helay

Alshabaab aya weerar qasaare dhaliyey ku qaaday degaanka Mandheera ee Waqooyi Bari, Keny, iyadoo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya, sida ay shaaaciyeen warbaahinta dalkaasi.

Labo sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay, 10 kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bambo ee degmada Mandheera.

Saraakiisha ayaa la socday Gaari Xamuul ah oo ka tegayy magaalada Rhamu kuna sii jeeday magaalada Mandheera, waxaana la weeraray Saaka 9-kii subaxnimo, markii ay dhabbaha u galeen koox Alshabaab ah.

Ad

Booliisku ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu waday raashin loogu talogalay askarta Booliska oo degaankaasi, markii weerarka qabsaday. Saraakiisha Booliska ayaa la toogtay, waxaana lagu dilay goobta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in malleeshiyaadka la arkay maalmo ka hor islamarkaana la sheegay in ay aasayeen walxaha qarxa. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa markii hore isku dayay in ay baasuukaha u adeegsadaan gaariga xamuulka ah balse Qarixii ayaa seegay, taasoo keentay in ay adeegsadaan rasaast.

Askari ka tirsan ciidamada booliska oo ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in darawalka uu si xowli ah ku dhaafay goobta iyadoo rasaas xooggan ay dhaceysay, balse nasiib darro ay ka dhinteen laba sarkaal, qaar kalena ay dhaawacmeen.

- Advertisement -

Darawalka ayaa la cararay gaariga oo Taayirada baaba’een wuxuuna Gaariga waday ilaa ​20 KM, markaas gurmad caafimaad uu helay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON