Sunday, August 3, 2025

Sarkaal 63 jir Milateri ah oo lagu helay La-shaqeynta Alshabaab iyo xukun lagu riday

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku riday sarkaal ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya, kaasoo la sheegay in lagu helay la-shaqeynta Alshabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Casiis Xuseen Nuur Musral ayaa ahaa Macalin Tababare ah oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana la sheegay inuu xilli hore sheegtay darajada Gaashaanle Sare, balse waxaa xilligii diiwaangelinta Ciidamada dib loo saxay Darajadiisa, isagoo Xiddigl.

Sarkaalkan ayaa la sheegay markii uu ka carooday darajadii laga dhimay inuu xiriir la yeeshay Alshabaab, waxayna hay’adaha baarista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kusoo eedeeyeen in Xiddigle Cabdicasiis Xuseen Nuur uu ahaa sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sarkaalkan oo 63 sano jir ah ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON