Sunday, July 13, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada NISA oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho [Faahfaahin]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ay dabley hubeysan toogasho ku dileen.

Dilka ayaa ka dhacay Gelinkii danbe ee maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii dabley ku hubeysan Bistoolado  ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Ciriiri.

Dabley ayaa rasaas darandoori ah ku furtay Sarkaalka oo ku agagaarka Isgoyska H/wadaag, xilli Gaari uu watay la sheegay inuu dhigtay Labaajo baabuurta lagu dhaqo, oo u dhow Suuqa Bakaaraha, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo, iyadoo ay baxsadeen dableydii falkaasi geysatay.

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalka NISA ka tirsanaa uu horey u soo noqday Taliyihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON