Qarax gaarigiisa lagu xiray ayaa lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.
Sarkaalkan ayaa watay gaari nooca NISSAN SURF ah, waxaana qaraxa uu dhacay xilli uu marayay agagaarka wasaaradaha Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaarradda Amniga.
Sarkaal oo magaciisa lagu sheegay sarkaal C/llaahi Nuur ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa, waxaana loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo.
Qaraxyada iyo falalka khaarijinta ah ayaa maalmahan danbe ka yaraaday Muqdisho, kadib markii ay si xowli ah u dhaceen bishii Ramadaan.
Goobjooge