Iska hor imaad magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa keenay in lagu dilo taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir, haddana ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa NISA Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile).
Ciise Jiijiile ayaa la sheegay in Gaari uu la socday ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la sheegay inay ka shakiyeen, agagaarka Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu ku dhinteen isaga iyo laba ka mida ilaaladii la socotay. iyadoo aan faahfaahin laga bixin in ciidamadaasi ahaayeen kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo in inkale.
Meydka taliyahaasi hore ayaa la geeyay Xarunta dambi baarista CID ee magaalada Muqdisho. Ma jiro wax war ah oo dowladda iyo hay’adaha ammaanka ka soo saareen arrintan.
Xaalada Muqdisho ayaa maanta kacsaneyd iyadoo ilaa 6 askari lagu dilay iska hor imaadyo ka dhacay degmooyinka qaarkood, halka afar kale lagu dhaawacay.
DAAWO SAWIRRO