Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, agagaarka Isgoyska KM 4, wadadda tagta garoonka Muqdisho.
Qof is-miidaamiye ah ayaa la sheegay inuu dhex galay Gawaarida taagnaa Barta Amniga ee ciidamada Nabadsugidda oo laga galo Garoonka Muqdisho, wuxuuna isku qarxiyey Gaari ka mida oo wararku sheegayaan inuu watay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga la beegsaday uu la socday taliyaha Saadka ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana gaadiidka goobta xilligaasi ku sugnaa ka mid ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Qaraxa ayaa sababay dhimashada 4 qof, iyadoo 8 kale ay ku dhaawacmeen. Alshabaab ayaa sheegatay in is-miidaamiye ka tirsan uu beegsaday gaadiid Kolonyo ah oo ku socday Xalane.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in xilliga uu qaraxa dhacay ay ku sugneyd Barta koontaroolka ciidamada. “Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” Guddoomiye Seynab Xaabsey oo aan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ilaaladeeda.
