Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa heshiis la gaaray sarkaalka hoggaaminayey kacdooka Gobolka Hiiraan ee looga horjeeday maamulkiisa.
Col. Nuur Dheere oo ay wehliyaan odayaasl shaqan iyo siyaasiyiin, Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle ayaa la kulmay Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Beledweyne, waxaana lasoo afjaray kacdoonkii hubeysnaa ee kacdoonka Hiiraan.
Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu Cali Guudlaawe ka raali geliyay khaladaadkii dhacay, isagoo ballan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo.
Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaady Korneylka, isgoo sii wada la kulanka bulshada iyo qancinta dhinacyada Gobolka Hiiraan. Waxaa arrintan kasoo shaqeeyay Nabadoon Faarax Waare iyo musharax xildhibaan Cabdi Daahir Karoore



