Sarkaalkii ee ugu sareeyay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay muddo shan sano ah lagu arkay goob fageaare ah, isagoo xilligan olole ugu jira kursi ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
C/llaahi Aadan Kulane ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo lagu soo dhoweeyay, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee muuqaal laga qaado ama la sawirro intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu ahaa madaxa dowladda u qaabilsan Gobolka Gedo iyo arrimaha siyaasadda.
Musharax C/llaahi Kulane oo ku eedeysan tacdiyo badan oo Hay’adda NISA geysatay, sida uu ka mid yahay kiiska Ikraan Tahliil oo ahady sarkaalda ka tirsan NISA, ayaa hadda raadinaya inuu noqdo Xildhibaan kursiga tirsigiisu yahay HOP040.
Magaalada Caabudwaaq ayaa la geeyay ciidamo badan si ay u sugaan amniga Sarkaalka Sare iyo Musharaxa Hay’adda NISA ka tirsan, waxaana la sheegay inuu taageero ka heysto madaxweynaha Galmudug.
Madaxda Hay’adda NISA ayaa dhammaandood raadinaya kuraas xildhibaan, waxaana ugu horeeya agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo uu hore xildhibaan noqday agaasimaha KMG ah ee hay’adda.

