Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegaya magaalada Garowe ee maamulka Puntland, waxaana magaalada ka socda diyaargarow weyn oo lagu soo dhoweynayo.
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya ayaa la filayaa Berri garaan Magaalada Garowe, kadibna ay booqdaan deegaano ka mid ah dhulka Puntland, iyadoo dhagax dhigi doona mashaariic dhowr ah.
Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garowe ka qeyb gali doona xuska 1-da August oo ku beegan sanadguuradii 20aad ee markii Puntland la aasaasay, waxaan si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Garowe.
Dhinaca kale Ciidamada amniga Puntland ayaa Garowe ku qabtay Nin watay indho shareer oo iska dhigay haween. Ninkan ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo baaritaan lagu hayo ujeedkiisa, taasoo ka horeysa howlgaladaan ciidamada amaanka ee Puntland ka hor booqashada Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku tagi doono deegaanada Puntland.