Monday, August 4, 2025

SAWIRRO: Itoobiya oo Axmed Madoobe la-kulansiiyey C/kariin Qalbi-dhagax [Fariin weji gabax ku ah dowladda Somalia]

Dowladda Itoobiya ayaa qaaday tallaabo ay madaxweynaha maamulka Jubbaland kula kulansiiyey C/kariin Qalbi dhagax oo dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Muuqaalo lasoo dhigay barta Axmed Madoobe ee Facebook oo ay xaqiijiyeen maamulka Jubbalanad ayaa waxaa kasoo dhex muuqday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xabsiga ku booqday  Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF.

Dowladda Soomaalya ayaa si weyn loogu camaareeyay tallaabada ay Qalbidhagax ugu dhiibtay Itoobiya Augusto 2017, isagoo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Adis ababa.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu dowladda Itoobiya ka codsaday inay sii deyso Qalbidhagax, isagoo sheegay inuu damaanad qaadayo inuusan ku kici doonin arrimo lid ku ah dowladda Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa laf ahaantiisa laga soo daayey xabsi Itoobiya ku yaalla kadib markii ay dowladii Sheekh Shariif dadaal u gashay iyadoo ay xireen ciidamada Itoobiya xilli uu ka mid ahaa maxkamadihii islaamiga 2007.

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax iyo Axmed Maxamed Islaam

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON