Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: Maamulka cusub ee G/Banaadir oo bilaabay inuu Birro waaweyn ku xiro Xarunta Gobolka

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inuu Biro waaweyn ku xiro goobaha laga soo galo xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Saaka ayaa la arkay iyadoo  Waaxda farsamada ee Dowladda hoose bilowday inay Biro waaweyn ku xirto Kontorolada laga Soo galo Xarunta aqalka Dowladda hoose ee Xamar, taasoo la sheegay inay ka dhalatay markii uu koontarooladda yaala xarunta Gobolka uu ka deyriyey Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Agaasime ku Xigeenka Waaxda howlaha farsamada Dowladda Hoose ee Muqdisho Bashiir Shuumbe Shuute ayaa ku dooday in dayctirkan lagu sameynayo kontorolada uu muhiim u yahay  in laxaqiijiyo Amniga Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Jawaano carro iyo shub ku jireen oo hore loogu jaray wadoyinka ku wareegsan xarunta ayaa hadda lagu kordhiyay Birro waaweyn oo aad u culus kuwaasoo lagu wareejinayo irdaha laga soo galo Xarunta Gobolka Banadir, waxaana maamulka cusub ee Gobolka uu cabsi ka muujiyey xaaladda nabadgelyo ee xarunta Gobolka Banaadir.

DAAWO SAWIRRO

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor

Image may contain: 8 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, tree and outdoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON