Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo ku dhoofay Diyaarad uu Boqorka Sacuudigu u soo diray

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga, safar la sheegay inuu yahay mid shaqo oo laba maalmood qaadanaya.

Madaxweynaha iyo wafidigiisu ayaa kulamo ay la yeelan doona  Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal.

Wasiirka  Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu yahay mid shaqo oo uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tegay dalkaas, laguna xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno ka tirsan madaxtooyada.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON