Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay soo dhoweyn aan hore loo arag oo aan loo kala harin loogu sameeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa si la yaab leh u soo dhoweeyay madaxda Puntland iyo shacabka magaalada oo aan u kala harin, waxaana wadooyinka magaalada buuxiyey dadweyne sita calanka Soomaaliya iyo kan Puntland.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo Puntland. “Madaxweyne ku soo dhawow qalbi furan, Puntland oo ku jecel, Soomaalinimadana jecel, oo diyaar u ah inay ku dhageysteen, kana qeyb qaataan Soomaalinimada, madaxweynaha waa nala joogayaa muddo dhowr berri ah, wuxuuna arki doonaa horumarka iyo dowladnimada ka jirta Puntland..” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay, isagoo yiri: “Waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan magaalada Garowe inaan joogto, waxaan ka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad ii soo dhoweyseen, waxaan ka mahad celinayaa dadwey jidadka taagan oo calamada qoyan sita,… socdaalkeyga gaari doonaa dhowr magaalo maro oo aan la kulamo dadka degaanada,.. waan soo daahay, waxaan u soo daahnay waxay ahayd duruuf shaqo..”.
Soo dhoweynta la-yaabka leh ee madaxweyne Farmaajo ka helay dadka Puntland ayaa muujineysa inuu weli taageero weyn ka heysto shacabka Soomaaliyeed, taasoo ah farriin ku socota mucaaradka dowladda.