Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale xalay kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo kontoroolada magaalada.
Waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay Wasiirka Amniga, Taliyaha ciidanka booliska, Taliyaha ciidanka asluubta, Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda iyo saraakiil kale, waxaana goobaha ay kormeerka ku tageen ka mid ah Taliska qeybta guud ee Booliska G/Banaadir, Saldhigga degmada Kaaraan, Shaleemo Cabdi Waayeel iyo goobo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino la xiriira Qraxyadii xalay laga maqlay magaalada ka dhageystay Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ujeedka ay aheyd in lagu qalqal geliyo shacabka, waxayna Saraakiisha amniga soo bandhigeen Bacihii lagu soo xiray baaruuda.
Wasiirka amniga Soomaaliya oo kormeerka hadal ka jeediyay ayaa yiri “Kormeer shaqo oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha ayaan caawa sameynay, waxaan ka bilownay saldhiga Karaan ilaa Galgalato, marka waxaan shacabka u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan dowladooda iyo ciidankooda, dadka falalka amni daro sameynayo looma dulqaadanayo, talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, hadii uu alle idmo.”