Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa kulan la yeeshay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiskiisa Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu ka soo shaqeeyay wasiirka Amniga Maxamud Abuukar Ducaale, iyadoo looga hadlay xaaladda siyaasadda dalka ee xilligan.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane Shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yahay ayaa imaanaya xilli madaxdii hore iyo siyaasiyiin taageero ka helaya Imaaraadka ay olole siyaasadeed ka wadaan Muqdisho si loo af rogo dowladda Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON