Mid ka mida xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray gaarigiisa oo loo qorsheeyay in lagu dilo.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa xilliga uu gaarigiisa qarxay wuxuu ku jiray xarun ganacsi oo u dhow Hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu markaas ka degay gaariga si uu u dukaameysto.
Qaraxa Gaariga xildhibaanka ayaa dhaliyey qasaare ka dhacay gudaha Gaariga oo qaraxa lagu qariyey , waxayna wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay darawalkii xildhibaanka.
Gaariga xildhibaan ayaa ahaa nooca TOYOTA HILUX ee aanay xabbadu karin, laakiin qaraxa ayaa gudaha gaariga lagu qariyey, taasoo keentay dhaawaca, waxaana dirqi uga badbaaday Xildhibaan Jeesow oo markaas uun ka degay Gaariga.