In ku dhow 200 saxafi ayaa caawa xaflad sagootin ah oo aan loo kala harin u sameynaya Guddoomiyaha xilka banneynaya ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Munaasanadda oo ahayd tii ug ballaarneyd oo saxafiyiinta isugu yimaadaan ayaa Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir lagu tilmaamay “Hal-doorka Muqdishaawiyiinta”, waxaana halkaas ka socda is dhexgal guddoomiye Taabit uu marba qaar ka mida saxafiyiinta la sheeko wadaagayo.
Taabit oo xilka laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen madaxda sare ee dowladda ayaa lagu wadaa inuu xilka ku wareejiyo wasiirkii Warfaafinta C/raxmaan Yariisow oo xilka loo maagcaabay.