Waxaa Garoonka diyaradaha Magaalada Dhuusamareeb maanta ka tegay Senator Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer) oo bandhig yaab leh sameeyay markii uu diyaaradii uu la socday ku xardhay Sawirkiisa.
Senatoorkan oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaankii 10-aad ayaa ku caanbaxay siyaasadda iyo ka qeyb qaadashada heshiisyada hoose, waxaana la filayaa in loo xiro kursiga uu ku fadhiyo, isagoo heshiis la ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay garoonka Ugaas Nuur ku sugnaayeen Xildhibaano, Wasiiro, madax ka tirsan Galmudug, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada, wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa horkacayey madaxda soo dhoweynta ka qeyb gashay.
Waxaa senator Dhegdheer safarka ku wehliyey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka, siyaasiyiin iyo xubno kale, waxaana soo dhoweynta u gaar ahayd Senatoorka.
Senator Dhagdheer ayaa soo dhoweynta loo sameeyay in bandhigiisa laga dareemi karaa kalsoonida uu ku qabo inuu si dhib yar mar kale ku hanto kursiga uu fadhiyo, wuxuuna isbaheysi la leeyahay musharaxa ay isku beesha kasoo jeedaan ee Xasan Cali Kheyre.




