Senaror Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, horena u soo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa kashifay faragelintii ay Madaxtooyada Soomaaliya ku sameysay doorashadii Puntland ee Janaayo 2019, wuxuuna weerar ku qaaday hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dowladda Soomaaliya.
Faroole oo maanta ka hadalyey magaalada Garoowe, kadib markii uu soo dhaweeyay senatooro ka tirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan.
Wuxuu Senarot Faroole kashifay in Villa Somalia ay ku fashilantay faragelintii ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland, isgoo sheegay inay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaarkood oo ay wadatay balse ay soo bixii waayeen; wuxuuna intaasi klu daray in weli xukuumadda Federaalku ay sii wad faragelinta dowlad goboleedyada, ayna ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay maamulka Jubaland.
Wuxuu kaloo Villa Somalia ku eedeeyay, inay furfurid iyo kala qeybin ku heyso, labada aqal ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan laga dhex sameeyay.
“Ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada iyo aqalka sare haystaan,” ayuu yiri Sen. Faroole oo si toos ah ula hadlayey Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Senator C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in la khalday Dastuurkii KMG ahaa, dalkuna aanu haatan wax Dastuura lahayn, sida uu yiri. “Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole.