Senator Mareykan ah oo magaalada Muqdisho booqday, isla markaana la kulmay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay kalsooni ka heysan shacabkeeda.
Senator Jack Reed ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay ka taliyaan degaano badan, isla markaana ay jirto xaalad ah in dowladda Soomaaliya aanay heysan kalsoonida shacabkeeda, iyadoo kooxda Alshabaab ay ka howlgasho duleedka magaalada Muqdisho.
Isagoo wareysi lala yeeshay ayuu si cad u sheegay senatorka kasoo jeeda xisbiga dimoqraadiga, kana tirsan guddiga ciidamada qalabka sida in Alshabab ay canshuur urursadaan, ay dadka u kala garsooraan dadka, ayna sharciyad ku heystaan degaanada aanay joogin dowladda.
Wuxuu intaas ku daray in si wax looga bedelo xaaladaasi aan kaliya loo baahney awood milateri ee la doonayo taageero dhaqaale, horumarin iyo taageerada is balaarinta dowladda, sida uu yiri.
Dhinaca kale Senator Jack Reed ayaa beeniyey inuu socdaalkiisa Muqdisho ee dhacay 20-kii bishan aanu ahayn qarsoodi ee hore loo shaaciyey, isla markaana uu raacay xeerka u yaalla amniga oo garoonka Muqdisho uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.