Thursday, June 26, 2025

Senator Yuusuf Dhegey oo iska casilay kursigii Aqalka Sare (Akhriso Qoraal uu soo saaray)

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey Geelle) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dib loogu doortay.

Qoraal ku taariikheysan 15-ka bishan Novembar 2021 ayuu u diray madaxweynaha Galmudug, wuxuuna ku sheegay sababta uu kursiga isaga casilay inay tahay isagoo rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.

“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad qaba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka is-casilaadiisa.

“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, guddoonka baarlamanka Galmudug iyo dhammaan xildhibaannada waxaan idinka rajeynaya in aad aqbali doontaan is-casilaadeyda iyo inaad dib ugu laaban doontan reerkii kursigan xisaabta u lahaa si loo helo xubintii buuxin laheyd booskan,” ayuu sii raaciyey.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Yuusuf Geelle Ugaas uu doonayo inuu u wareego Golaha Shacabka, isagoo ka mid noqon doonay xildhibaanada ugu horeeya ee lagu dooranayo Galmudug.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA IS-CASILAADIISA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON