Monday, June 23, 2025

Sh. Aadan Madoobe oo la wareegay Amniga Doorashada iyo Digniin uu siiyay Taliyeyaasha ciidamada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan Taliyeyaasha iyo saraakiisha ugu sareeya ciidamada qalabka sida ee dalka.

Shirkan oo ahaa kii ugu horeyay ee Guddoomiye Aadan madoobe la yeesho taliyeyaasha ciidamada ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Amniga doorashada dalka, iyadoo dhowan lagu wado in la doorto Madaxweyne cuusb.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay inuu Sheekh Aadan Madoobe saraakiisha ciidamada uga digay inaysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay ka amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Ad

Arrintan ayaa ka dhigan inuu Sheekh Aadan Madoobe la wareegay awoodii taliska cidiamada dalka oo uu hore u heystay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON